10
Ciidamada ammaanka ee dalka Djibouti ayaa xabsiga dhigay nin lagu magacaabo Doudou kaas oo barta Tik tok ku baahiyey isaga oo Khamri siinaya hooyadiis oo waayeel ah.
Ninkan oo ku nool gobolka Cali Sabiix ee dalka Djibouti ayay ciidanka ammaanku sheegeen in hadda gacanta lagu soo dhigay lana hor geyn doono lammaaha Garsoorka sida ay baahisay Djib Live.
Muuqaalka ninkan ayaa cadho badan ka dhaliyey baraha bulshada ka dib markii la arkay ninkan oo Khamri siinaya hooyadiis oo waayeel ah isaga oo ugu sheegaya in uu yahay Maraq.
