Dowladda Kenya ayaa saraakiil iyo khubaro ciidan u dirtay Koonfur Afrika, si ay khibrad uga soo kororsadaan ka hortagga iyo wax ka qabashada khataraha ka dhasha hubka kiimikada, bayoolojiga, nukliyeerka iyo walxaha qarxa.
Wafdiga ciidamada Kenya ayaa kulan la yeeshay cutubka 7-aad ee caafimaadka militariga Koonfur Afrika (7 Medical Battalion Group), oo xaruntiisu tahay magaalada Centurion. Khubarada Koonfur Afrika ayaa la wadaagay aqoontooda ku saabsan aqoonsiga walxaha halista ah, maarayntooda iyo gurmadka degdegga ah.
Wafdiga Kenya waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan guddiga horumarinta habraacyada ciidamada ee ka jawaabista khataraha kiimikada, bayoolojiga, nukliyeerka iyo walxaha qarxa.
Iskaashigan ayaa imaanaya xilli Kenya ay kordhinayso dadaallada lagu xoojinayo amniga xuduudaheeda, gaar ahaan gobolka Mandheera oo toddobaadkii hore weerar gaadmo ah oo ay ku dhinteen siddeed qof, oo ay ku jireen shaqaale dhisme waddo, boolis kayd ah iyo darawal, uu ka dhacay meel u dhow xuduudda Soomaaliya.
Cutubka 7-aad ee caafimaadka militariga Koonfur Afrika ayaa si gaar ah ugu takhasusay gurmadka caafimaad iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha walxaha sunta ah iyo kuwa khatarta badan. Ciidamadiisa waxaa loo tababaray aqoonsiga walxaha halista ah, qiimeynta khatarta iyo nadiifinta goobaha ay saameeyaan walxaha sunta ah.
Kenya ayaa sidoo kale bishii November ee sannadkii hore daahfurtay qorshaheedii ugu horreeyay ee qaran ee mideysan ee ka hortagga khataraha noocan ah, kaas oo ay qayb ka ahayd tijaabo lagu muujinayay sida loola tacaalo gaaska sunta ah ee Chlorine.
Tallaabadan waxay muujinaysaa sida dalalka Afrika ay u kordhinayaan iskaashiga dhanka amniga, iyagoo diyaargarow u sameynaya khataraha ka baxsan dagaallada caadiga ah, sida weerarrada kiimikada, sunta warshadaha, walxaha nukliyeerka iyo walxaha qarxa.
Dhowaan ayay sidoo kale ciidamada Kenya wada-hadallo la yeesheen dhiggooda Urdun, kuwaas oo diiradda lagu saaray tababarka la dagaallanka argagixisada, adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo ka hortaggooda.
