Thursday, November 12, 2026

Sarreeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Oo loo Magacaabay Taliyaha Xarunta 𝗝𝗢𝗖𝗖

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Sarreeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaabay Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Hawlgallada Wadajirka ah ee Soomaaliya (Joint Operation Coordination Centre – JOCC).

Xarunta JOCC ayaa door muhiim ah ka qaadata isku-xirka iyo isku-dubbaridka hawlgallada hay’adaha kala duwan ee amniga, iyadoo sidoo kale xoojisa wada-shaqaynta ciidamada dowladda iyo hay’adaha amniga ee heer qaran, iyo iskaashiga saaxiibada caalamiga ah.

Magacaabistan ayaa imaneysa kaddib markii Gen. Cabdiwahaab uu dhowaan xilka Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya ku wareejiyay hoggaanka cusub ee ciidanka.