Thursday, November 12, 2026

Ilhan Omar oo ku Biiraysa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xildhibaanad Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa doonaysa inay dib uga mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka (House Foreign Affairs Committee), kaddib markii Jamhuuriyiintu ay guddiga ka saareen bishii Febraayo 2023.

Haddii ay dib ugu biirto guddiga, Omar waxay fursad u heli kartaa inay hoggaamiso qeybta qaabilsan arrimaha Afrika, taas oo door ku leh dejinta iyo kormeerka siyaasadda Mareykanka ee qaaradda.

Xildhibaan Gregory Meeks, oo ka tirsan hoggaanka Dimuqraaddiyiinta ee guddiga, ayaa sheegay in go’aanka hoggaaminta qeybta Afrika uu noqon doono mid ay Ilhan Omar iyadu doorato.

Omar ayaa hore uga tirsanaan jirtay guddigan intii u dhexeysay 2019 iyo 2023, waxaana xilkaas looga qaaday codbixin ay Jamhuuriyiintu hormuud ka ahaayeen, kaddib muran ka dhashay hadallo ay ka jeedisay Israel.