Xulka 17 Jirrada Gabdhaha Tanzania Oo 4 iyo 0 ku Garaacay Xulka Dhigooda Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xulka 17 jirrada Gabdhaha qaranka dalka Tanzania ayaa 4 iyo 0 ugu awood sheegtay xulka 17 jirrada hablaha qaranka Soomaaliya kuwaas oo maanta wada ciyaaray mid ka mid ah ciyaaraha Horyaalka 17 jirrada ee xulalka 17 jirrada qaramada bariga iyo badhtamaha Afrika.

Ciyaartan oo ahayd tii koowaad ee hablo Soomaaliya ka socdaa ay ka qayb galaan ayaa ku soo dhammaatay iyada oo 4 gool shabaqooda lagu hubsaday xulka 17 jirrada hablaha qaranka Soomaaliya ka dib ciyaar galabta ka dhacday dalka Tanzania.

Xulka Soomaaliya ayaa noqonaya xulkii labaad ee guul darro qadhaadh ciyaarahan kala kulma ka dib Sudan oo ay Kenya kaga badiyo 16 Gool iyo 0.

Hablaha Soomaaliya ayaa Isniinta la ciyaaraya Hablaha Kenya oo dhigooda sudan ku dhuftay 16 gool.