Tababaraha xulka qaranka Senegal, Pape Thiaw, ayaa cashar lama illaawaan ah oo dhinaca caqiidada iyo iimaanka ah u dhigay wariye isku dayay inuu su’aal ka keeno sababta ciyaartoyda xulka. ugu dhiiradeen inay u baxaan gudashada salaadda Jimcaha xilli ay jireen dabaylo aad u xooggan.
Thiaw oo si geesinnimo leh uga jawaabay dhaleeceynta wariyaha ayaa sheegay in cabsida ay u qabaan Allah, oo ah kan dabaysha abuuray, ay ka weyn tahay cabsi kasta oo kale. Wuxuu dunida xasuusiyay in kasta oo ay u joogaan tartanka kubbadda cagta, haddana hadafka koowaad ee bini-aadamka loo abuuray uu yahay cibaadada Eebbe, taasna aysan marnaba ka tanaasuli doonin.
Jawaabta tababaraha oo si weyn ugu baahday baraha bulshada ayaa ahayd mid cad oo aan gabasho lahayn, isagoo caddeeyay in xataa haddii ay maanta ciyaarayaan kama dambaysta (Final-ka) Koobka Adduunka, ay u bixi lahaayeen salaadda Jimcaha xataa haddii ay taasi ku kacayso inay waayaan koobka. Hadalkiisan oo ahaa “Ha nagala hadlina shicaa’irta diinteena” wuxuu tusaale u yahay sida loogu faano aqoonsiga Islaanimada iyo inaan marnaba lagu gorgortamin mabaadi’da diinta.
Geesinnimada Pape Thiaw waxay dhiirigelin u noqotay dad badan, isagoo muujiyay in guusha dhabta ah ay tahay ku xirnaanta abuuraha ee aysan ahayn oo kaliya guulaha garoonka dhexdiisa lagu gaaro.
