Wasiirka amniga qaranka ee garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa ku eedeeyey dowladda Mareykanka inay la macaamileyso naaziyiin, ka dib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanku uu si adag u dhaleeceeyey mowqifka diidmada ah ee Israa’iil ay ka taagan tahay heshiiska Nukliyeerka Iran.
Is-maandhaafkan sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labadan dal ee xulafada ah, ayaa khatar gelin kara iskaashi dhow oo soo jiray muddo tobanaan sano ah.
Madaxweyne ku xiigeenka Mareykanka, JD ayaa eedayn u jeediyay xubnaha golaha wasiirada ee raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo dhaleeceeyay heshiiska Iiraan, isaga oo sheegay in ay “kacaan oo ay arkaan xaqiiqada jirta”.
“Haddii aan ka mid ahaa golaha wasiirrada ee xukuumadda Israa’iil, waxaa laga yaabaa inaanan weerari lahayn saaxiibka kaliya ee awoodda badan ee iiga haray adduunka oo dhan” ayuu madaxweyne ku xigeenka u sheegay suxufiyiinta.
Wareysi uu siiyay New York Times oo sidoo kale la daabacay Khamiistii, Vance ayaa ku tilmaamay wasiirka amniga qaranka Israa’iil Itamar Ben Gvir iyo wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich kuwa dhaleeceeya heshiiska.
Wuxuu yiri: “Waxaan filayaa in jawaabta aan ka bixinayo ay noqon doonto – waa maxay soo jeedintaada saxda ah? Waxaad tihiin waddan ay ku nool yihiin sagaal milyan oo qof. Kaliya dil kuma xallin kartaan kartaan sidii aad u xallin lahaydeen dhibaato kasta oo amniga qaranka ah oo idin haysata”.
Netanyahu qudhiisa ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado xiriirka dhow ee Israa’iil ay la leedahay Mareykanka Khamiistii, isagoo sheegay in Washington ay “garab istaagtay” dalka intii uu socday dagaalka Iiraan.
