Wargeyska Israel Hayom, oo ka mid ah wargeyska loogu akhriska badan yahay Israa’iil oo ay leeyihiin qoyska Yahuudda-Mareykanka ah ee Adelson oo ka mid ah dadka dhaqaalaha badan ku bixin jiray taageerrada Trump, ayaa hadda billaabay inay si adag u dhaliilaan Trump.
Warbixin uu wargeyskan daabacay ayaa lagu sheegay inuu Trump ka baxay taageeradii ay Israa’iiliyiintu ka filayeen,isla markaana uu dhaawacay danaha Mareykanka iyo kuwa dalalka reer galbeedka. Warbixintan waxaa kaloo ay ku dooday in siyaasadaha uu Trump, qaatay ay hoos u dhigeen sumcadda Mareykanka.
Sidoo kale, waxaa wargeyskan uu sheegay in Trump uu haystay fursad uu ku noqon karo mid ka mid ah madaxweynayaashii ugu saameynta badnaa taariikhda, balse ugu dambeyn uu sameeyay go’aamo ku dhammaday fashil.
Khilaafka Trump iyo xubnaha garabka midig ee taageerra Netanyahu ayaa hadda noqday mid bannaanka usoo baxay , ka dib markii Trump uu ka fogeeyay Netanyahu wadahadallada Iiraan , isla markaana uu heshiis hal dhinac ah la gaaray Iiraan, kaasoo cadaadis dusha ka saaraya Netanyahu oo horey xubnaha garabka midig u ballanqaaday in la wiiqayo awoodda Iiraan


