Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in Britain, Norway iyo Maraykanku ay fashiliyeen hawlgal qarsoodi ah oo Ruushku ka waday Badweynta Arctic-ka, meel u dhow jasiiradaha Svalbard, oo ku yaalla waqooyiga fog ee Norway.
Goobta la sheegay in hawlgalku ka dhacay waxaa mara laba xadhig oo Fiber-Optic ah, kuwaas oo muddo 1,400 KM ah badda hoosteeda ku socda, iskuna xidha jasiiradda Svalbard iyo dhul-weynaha Norway. Meelaha qaar, xadhkahaasi waxay maraan gunta bad qoto-dheerkeedu gaadhayo 2.7 KM.
Xadhkahani waxay Svalbard siiyaan internet iyo isgaarsiin, waxayna sidoo kale gudbiyaan xogta badan ee laga soo dejiyo dayax-gacmeedyada xarunta SvalSat, oo ah xarunta ugu weyn dunida ee qaabila xogta dayax-gacmeedyada ku wareega cirifyada dhulka.
Reuters waxay sheegtay in cutubka Ruushka ee GUGI uu halkaas ku tijaabinayey qalab lagu curyaamin karo xadhkaha badda hoosteeda. Maraakiibta Ruushka ayaa la raad-raacay lagana hor istaagay inay tijaabada dhammaystiraan, iyadoo aan waxyeello gaarin labada xadhig. Ruushkuna wuxuu guud ahaan beeniyaa inuu qorsheynayo kharbudaad ka dhan ah kaabayaasha NATO

Screenshot

Screenshot

Screenshot
