Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, Rashiid Maxamed Al-Caliimi, ayaa sheegay in Iran ay doonayso inay Xuutiyiinta u suurtageliso inay saameyn ku yeeshaan marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo Badda Cas.
Al-Caliimi ayaa sheegay in “isku dayga lagu beddelayo xaaladda milatari ee ka jirta agagaarka marin-biyoodka Baabul-Mandab aan loo arki karin arrin gudaha Yemen oo keliya.”
Waxa uu intaas ku daray: “khatar kasta oo loo geysto Baabul-Mandab waxay si toos ah u saameynaysaa Badda Cas, Kanaalka Suweys iyo ganacsiga caalamka.”
Mr Al-Caliimi ayaa sidoo kale sheegay in ilaalinta xeebaha Yemen iyo dib u soo celinta awoodda dowladda ee dhulka iyo marin-biyoodka dalka ay tahay “dan caalami ah oo ay wadaagaan dalalka caalamka.”
