Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Isreal xaq u leedahay cidda ay aqoonsanayso ama xidhiidh dublamaasiyaddeed la yeelanayso.
La-taliyaha sare ee Madaxweynaha Trump ee arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos oo u waramayey wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa la weydiiyey sida uu Mareykanku u arko aqoonsigii dabayaaqadii sannadkii hore Isreal ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xusay Isreal iyadu leedahay go’aanka ay cid ku aqoonsanayso.
Sida waddamada madax bannaan ee kale ay sidaas u sameeyaan.Massad Boulos, waxa aanu yidhi:-“Israa’iil ay xaq u leedahay inay xidhiidh diblomaasiyadeed la sameysato cid kasta, sida waddan kasta oo madax-bannaan oo kale.”
