Natiijada Doorashadii ka Dhacday Galmudug Oo Lagu Dhawaaqay

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kama dambaysta ah ee doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhowaan ka qabsoontay Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo lagu tartamay 189 kursi oo ka tirsan goleyaasha deegaanka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in doorashadu u dhacday si waafaqsan habraacyadii loo dejiyay, iyadoo tirada guud ee codadka la dhiibtay ay gaareen 193,451 cod, kuwaas oo dhammaantood loo aqoonsaday codad ansax ah.

Natiijada doorashada ayaa muujisay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) uu noqday ururka siyaasadeed ee ugu codadka badan, isagoo helay 135,247 cod, taas oo ka dhigan in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay. Guushaas ayaa u suuragelisay ururka inuu ku guuleysto 63 kursi, taasoo ka dhigeysa awoodda ugu weyn ee goleyaasha deegaanka ee la doortay.

Kaalinta labaad waxaa galay Ururka Towfiiq, oo helay 26,003 cod, kuna guuleystay 12 kursi. Dhanka kale, Ururka Sincad ayaa helay 12,862 cod, isagoo ku guuleystay 6 kursi, halka Ururka Karaamo uu helay 10,668 cod iyo 5 kursi.

Ururada kale ee ka qayb galay doorashada ayaa iyaguna helay codad iyo kuraas kala duwan, iyadoo guddigu sheegay in natiijooyinka dhammaan degmooyinka lagu saleynayo codadka ay si toos ah u dhiibteen shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaaqista natiijada kaddib ayaa waxaa soo baxay walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah ururradii siyaasadeed ee doorashada ka qayb galay. Ururradan ayaa su’aalo ka keenay habraaca loo maray maamulka doorashada iyo tirinta codadka, iyagoo tilmaamay inay jiraan arrimo u baahan in dib loo eego.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ururrada cabashada qaba ay wadaan kulamo iyo wadatashiyo ku saabsan tallaabooyinka ay qaadi doonaan, inkastoo ilaa iyo hadda aysan soo saarin war-murtiyeed mideysan oo rasmi ah.

Dhankiisa, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaan weli ka hadlin cabashooyinkaasi, mana uusan soo saarin faahfaahin ku saabsan sida loo wajahayo ama loo baarayo eedeymaha ay soo jeediyeen qaar ka mid ah dhinacyada tartamay.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo Galmudug ay noqotay mid ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka ee si toos ah uga hirgeliyay doorashooyinka goleyaasha deegaanka. Dowladda Federaalka iyo guddiga doorashooyinka ayaa ku tilmaamay doorashada tallaabo muhiim u ah xoojinta dimuqraadiyadda iyo ballaarinta ka qaybgalka shacabka ee maamulka dalka, inkastoo ay weli jiraan caqabado la xiriira cabashooyinka iyo is-aaminaadda dhinacyada siyaasadda.