hilaafka Mareykanka iyo Israa’iil Oo sii Xoogeystay Markii Garoonka Diyaaradaha Telaabiib

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muranka ugu weyn uu ka taagan yahay garoonka diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla dulleedka Telaabiib.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Israa’iil, Sharon Kedmi ayaa sheegay in laga yaabo in la bilaabo joojinta qaar ka mid ah duulimaadyada rayidka.

Wuxuu yiri:”Garoonkan iyo garoomo kale waxaa yaalla diyaarado Mareykan ah oo ah kuwa diyaaradaha dagaalka hawada ku siiya shidaalka. Haddii hal diyaarad oo kale lagu soo kordhiyo, waxaa khasab nagu noqon doonta inaan baajino illaa 50,000 oo duulimaadyo rayid ah.”

Waxuu intaasi ku daray:-“Dadweynuhu waa inay arrintaas u diyaar garoobaan. Mareykanku waa inuusan hilmaamin in garoonkani uu ugu horreyn yahay garoon rayid.”

Dhanka kale, Wasiirka Gaadiidka Israa’iil, Miri Regev ayaa iyaduna ka hortimid in diyaarado kale oo shidaal qaada lagu soo kordhiyo Garoonka Ben Gurion, waxayna dalbatay in qaar ka mid ah diyaaradaha Mareykanka ee hadda yaalla halkaas laga saaro