Trump Oo ku Dhawaaqay Weerar ka Dhan ah Goobaha Nukliyeerka Iiraan Una Hanjabay Xuutiyiinta

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Donald Trump ayaa ku hanjabay in Maraykanku uu dhawaan bartilmaameedsan doono dhismaha xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku yaalla ee buurta Pickaxe Mountain ee Iran.

Trump ayaa sidoo kale si adag uga jawaabay hanjabaadda ay dagaalyahannada Xuuthiyiinta Yemen ku hayaan marinada maraakiibta ee ku wajahan dekedaha Sacuudiga, Trump ayaa sheegay in haddii Xuuthiyiintu tallaabo noocaas ah qaadaan, Maraykanku uu qaadi doono tallaabooyin uu xaaladdaas kaga jawaabayo.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan in Iran ay suuragal tahay inay u wareejisay mashiinnadeeda kobciya yuraaniyamka gudaha xarunta Koh-e-Kalang, madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri:

“Way dhici kartaa inay sidaas sameeyeen… Ma hayno caddeyn dukumenti ah; waxa keliya ee aan maqalno waa wararka been-abuurka ah. Laakiin centrifuges aan lahayn walxo nukliyeer ah wax weyn ma tarayaan. Waxa aan daba joognaa waa walxaha nukliyeerka, waana arrinta ugu muhiimsan. Waan gaari doonnaa halkaas dhawaan, malaha si dhaqso leh. Caadi ahaan arrimahan ma sii shaacinayo. Haddii aan u malayn lahaa inay naga hor istaagi karaan, ma aanan sheegeen.”

Trump ayaa horey u sheegay in Maraykanku uu si dhow ula socdo xaruntan, isagoo ka digay inay noqon karto bartilmaameedka “weerar weyn.”

Trump ayaa intaas ku daray in Iran ay aad u danaynayso inay la kulanto Maraykanka, balse dowladda Maraykanku aysan xiisaynayn kulankaas haddii aanu noqon mid miro-dhal ah oo natiijo la taaban karo laga filan karo.

Buurta Kalang, oo sidoo kale loo yaqaan “Gazla Mountain,” waxay qiyaastii laba kiiloomitir koonfur kaga taallaa xarunta nukliyeerka ee Natanz ee gobolka Isfahan ee Iran, waxayna qiyaastii 220 kiiloomitir koonfur uga beegan tahay Tehran. Dhererka buurta Kalang ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 1,608 mitir.

Iran waxay sheegtay inay dhismahan u dhistay si uu u beddelo Xarunta Isku-Ururinta Centrifuges-ka Casriga ah ee Natanz, taas oo waxyeello soo gaartay sannadkii 2020, waxa ay ku tilmaantay “fal lagu waxyeelleynayay”.

Si kastaba ha ahaatee, qoto-dheeraanta marinada dhulka hoostiisa mara, baaxadda suuragalka ah ee dhismaha, iyo xaqiiqda ah in kormeerayaasha Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga (IAEA) aysan helin marin ay ku galaan, ayaa sii xoojiyay tuhunnada ah in xarunta Koh-e-Kalang laga yaabo inay leedahay wadiiqooyin kale.