Iran Oo Weerartay Shirkadda Mareykanka Amazon Ee Baxrayn, Iyo Maraakiibta Shidaal Sacuudiga kasoo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa sheegtay inay weerartay kaabayaal ay leedahay shirkadda Mareykanka ah ee Amazon oo ku yaalla dalka Baxrayn, halkaas oo shirkadan ay ku leedahay xarun xogeed (data centre) oo ah xarunta ugu weyn ee adeegyada ka fulisa dalalka Khaliijka,

Weerarkan ayaa noqonayo midkii labaad oo ka dhacaya Baxrayn oo Iiraan ay ku beegsatay xarunta shirka Amazon oo horey khasaare kala kulantay weerarro ay Iiraan ka fulisay Imaaraadka Carabta,sida ay werisay Reuters.

Dhinaca kale Laba markab oo shidaal ka soo qaaday Sacuudiga ayaa maanta dib u beddelay jihadii ay u socdeen, ka dib markii ay hanjabaado ka heleen Xuutiyiinta Yemen oo sheegay haddii aysan dib uga laaban Badda Cas ay la kulmi doonaan weerar.

Xuutiyiinta ayaa todobaadkan soo saaray go’doomin ka dhan ah dekedaha Sacuudiga, waxayna warqad u direen shirkadaha maraakiibta oo lagu wargeliyay inay Xuutiyiintu weerari doonaan markab kasta oo shidaal ka soo qaada ama shidaal ku dajiya dekedaha Sacuudiga, sida ay werisay Reuters oo sheegtay xaaladan ka dhigantahay jiho cusub oo dagaal inay furantay.

Screenshot