Saturday, April 18, 2026

Xuutiyiinta Yemen Oo ka Digay Faragelinta Israa’iil ay ku Sameyneyso Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee loo yaqaan Ansar Allah ayaa si adag uga hadashay dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaamtay faragelin ay Israel ka waddo Somaliland, iyagoo arrintaas ku sifeeyay “khad cas” aan la aqbali karin.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee kooxdaas ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay isku dayeyso inay saldhig ka sameysato Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Waxa kale oo ay xuseen wararka sheegaya in Israa’iil ay safiir u magacowday magaalada Hargeysa, ay tahay xad gudub oo aan la aqbali karin.

Xuutiyiintu waxay ugu baaqeen dalalka ku teedsan Badda Cas iyo guud ahaan waddamada Carabta iyo Islaamka inay qaadaan tallaabooyin cad oo lagaga hortagayo waxa ay ku sheegeen “qorshayaal Israa’iil” oo khatar ku ah gobolka.

Waxay intaas ku dareen in joogitaanka Israa’iil ee Soomaaliya uu saameyn xun ku yeelan karo amniga marin-biyoodka muhiimka ah sida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hanjabaada Xuutiyiinta ayaa daba socota xiriirka sii xoogaysanaya ee Somaliland iyo Israa’iil, iyaga oo ka cabsi qabta in Israa’iil ay Somaliland ka samaysan karto saldhig ciidan oo ay ka weerarto Yemen, madaama Somaliland ay Yemen udhawdahay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.