Dawlada Somaliya oo la Taliyaha Trump Farriin Xaasaasi ah u Dhiibtay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixineysa sidii uu Mareykanku uga laaban lahaa go’aanka uu ku joojiyay taageerada AUSSOM.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda Masar kula kulmay lataliyaha Donald Trump ee Carabta iyo Midowga Afrika Massad Baulos.

Dhaay ayaa la taliyaha la wadaagay walaaca ay dowladda Soomaaliya ka qabto go’aanka Mareykanku ku joojiyay taageeradiisa howlgalka AUSSOM ee ka socda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha Soomaalida ay ku fashilmeen in ay amnigiisa sugaan ku dhawaad 20 sano oo ay joogaan Ciidanka ka socda Africa.

Dowladda Soomaaliya sidoo kale Mareykanka ka codsatay in uu xoojiyo taageerada gaar ah ee Mareykanku ku taageero Dowladda iyo ciidankeeda.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya howlgallo ka dhan ah Shabaab oo dhanka cirka sidoo kale waxaa uu tababaraa Ciidanka Kumaandooska DANAB oo uu xitaa biyo miisaaniyaddooda.