Hillary Clinto Oo Sheegtay in Mareykanku ku jiro Xaalad Daciif ah Marka la Eego Dhinaca Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Hillary Clinton ayaa sheegtay inuu Mareykanka ku jiro xaalad uu aad daciif u yahay marka la eego dhinaca Iiraan.

Hillary Clinton ayaa si cad u sheegtay inuu Mareykanka lumiyay awooddii iyo saameyntii uu ku lahaa wada-hadallada uu kula jiro Iiraan, isla markaana hadda uusan Mareykanka lahayn gacanta sare wada-xaajoodka, taasoo ay ku tilmaamtay inay ka dhigayso xaaladda mid adag oo khatar ah.

Si fudud waxay Hillary Clinton, u sheegaysa inuusan Mareykanka waxba gacanta ugu jirin si uu u cadaadiyo Iiraan, oo wadahadallada socda kaararka cadaadiska ay gacanta ugu jiraan Iiraan, gaar ahaan marin-biyoodka Hormuz inay tahay waxa ay Iiraan , ku cadaadinayso Mareykanka iyo guud ahaan caalamka, taasoo ugu dambeyn qasbaysa heshiis ay ku ganacsan tahay Iiraan in la gaaro ama dagaal dheer oo aan faa’iido u lahayn Mareykanka, saameyntiisana caalamka ay wada gaarto dib loogu laabto.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.