Wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, xilli beesha caalamku dadaal xooggan gelisay sidii loo gaari lahaa xal wada-ogol ah oo looga gudbo xiisadda siyaasadeed ee taagan.
Wada-hadalladan oo saddex maalmood oo xiriir ah ka socday gudaha xerada Xalane ayaa galabnimadii ugu dambeysay lagu kala kacay. Sida ay Caasimada Online ogaatay, dhinacyadu ma aysan ballamin kulan kale, taas oo sii xoojisay tuhunka ah in wadahadalladu si rasmi ah u fashilmeen.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay soo bandhigeen aragti ka duwan doorasho dadweyne, taas oo dowladda ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka ee ah inuu wax doorto lana doorto.
Dowladdu waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, hase yeeshee aysan jirin wax gorgortan ah oo laga geli karo hirgelinta doorasho ay dadweynuhu si toos ah u codeeyaan.
Ugu dambeyn, dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay in dalka uu galay marxalad cusub oo lagu wajahayo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod, taas oo ay sheegtay in ay tahay tiirka siyaasadda dowladdu ku shaqaynayso.

