Saturday, April 18, 2026

Dowladaha Carabta & Islaamka Oo ka soo Horjeestey Danjiraha Israal U Dirtay Somaliland.

by Heemaaln
1 minutes read

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladesh, Aljeeriya, Sucuudiga, Falastiin, Turkiga iyo Indonesia ayaa bayaan wadajir ah ku cambaareeyay talaabada Israa’iil ky magacawday Safiirka “Somaliland”, iyagoo u arka tallaabadaas mid si cad ugu xadgudbeysa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: “Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Masar, Dawladda Federaalka Soomaaliya, Suudaan, Dawladda Libya, Jamhuuriyadda Bangladesh, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Dawladda Falastiin, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Indonesia waxay si adag u cambaareynayaan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasi ah waxa loogu yeero ‘Somaliland’, taas oo ay u arkaan ku tumasho cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.