Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi oo gaaray Caasimada Ruushka ee Moscow.
Putin ayaa waxaa kulanka ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, kaaliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov, iyo Igor Kostyukov oo ah madaxa hay’adda sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa maanta sheegay in dawladdiisu ay samayn doonto waxkasta oo ay dani ugu jirto dalka Iran iyo dalalka Gobolka, isla markaana lagu ilaalinayo danaha guud iyo masaaliixda Iran, isagoo xusay in xidhiidh iskaashi oo xoogani ka dhexeeyo Iran iyo Ruushka.
Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ballanqaaday in dalka Ruushku uu samayn doono dadaalo lagu soo afjaro dagaalka, islamarkaana nabad iyo xasiloonina lagu soo dabaalo xiisada gobolka Bariga Dhexe.
Araghchi ayaa Ruushka tagay maanta isagoo taageero ka raadinaya Moscow, xilli ay hakad galeen dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.
Sikastaba ha noqotee Rajadii laga qabay in dib u bilaabmo wada-hadallada ayaa yaraatay Sabtidii, markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu baajiyay safar qorshaysnaa oo ay ergooyinkiisa Steve Witkoff iyo Jared Kushner ku tegi lahaayeen magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.



