Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay u oggolaanayso dadka haysta baasaboorka caadiga ah ee Kenya inay fiisaha ku qaataan marka ay gaaraan dalkaas, haddii ay haystaan sharci deganaansho (residence permit) oo ansax ah oo laga bixiyay Mareykanka ama dal ka tirsan Midowga Yurub (EU). Siyaasaddan ayaa sidoo kale khuseysa xubnaha qoysaska ee u qalma.
Go’aankan ayaa la sheegay inuu faa’iido u yeelanayo xirfadlayaasha, ardayda iyo ganacsatada reer Kenya ee ku nool Mareykanka iyo Yurub, kuwaas oo si joogto ah u adeegsada garoomada diyaaradaha ee Imaaraadka. Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in tallaabadan lagu fududeynayo socdaalka, iyadoo isla markaana la ilaalinayo shuruucda iyo nidaamka socdaalka ee dalkaas.
