Sunday, September 6, 2026

“Weerarrada Iiraan waxay Noqon Doonaan kuwo ka Xoog Badan kuwii hore.”Milatariga Iiraan Oo Uga digay Mareykanka

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa uga digay ciidamada Mareykanka in haddii ay sii wadaan “dhibaataynta” maraakiibta Iiraan, “weerarrada” uga imaanaya ciidamada milatariga Iiraan ay noqon doonaan kuwo “aad uga daran kuwii hore.”

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan, afhayeen u hadlay xarunta Khatam ayaa yiri: “Haddii ciidamada Mareykanka ay sii wadaan dhibaataynta iyo khatar-gelinta amniga maraakiibta Iiraan, ayna xayiraado saaraan biyaha Iiraan, weerarrada ay ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaadi doonaan maraakiibta milatariga Mareykanka ee gobolkaas waxay noqon doonaan kuwo aad uga daran kuwii hore, waxaana jirta suurtagalnimo ah in la ballaariyo weerarradaas.”

Saacado ka hor, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu weeraray saddex markab oo shidaal oo laga leeyahay Iiraan, Admiral Brad Cooper oo ah taliyaha CENTCOM-na wuxuu diray farriin oranaysa: “Farriinta loo dirayo Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guards) waa mid cad:

“Haddii aad weerartaan laba ka mid ah maraakiibtayada, waxaan idin gaarsiin doonnaa khasaare dhaqaale oo aad u weyn; taas oo ah, waxaan burburin doonnaa saddex ka mid ah maraakiibtiina.”

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay CENTCOM oo lagu daabacay shabakadda X, weerarku wuxuu dhacay ka dib markii Ilaalada Kacaanku ay gantaallada riddada dheer (ballistic missiles) ku rideen laba markab oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka, kuwaas oo ku guda jiray hawlgalroro ilaalo ah oo ay ku sameynayeen biyaha aaggaas.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka: Dagaalka Iran wuxuu socon karaa lix bilood oo kale.

Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka Leon Panetta ayaa ka digay in dagaalka lagula jiro Iran uu u badan yahay inuu sii socdo lix bilood oo kale.

Panetta ayaa u sheegay wargeyska Ingiriiska ee The Guardian in dagaalka Iran, oo billowday in ka badan lix bilood ka hor markii Mareykanka iyo Israa’iil ay qaadeen weerar, uu isu beddeli karo “dagaal kale oo aan dhammaad lahayn oo ka dhaca Bariga Dhexe” iyadoo aan lahayn xal cad.

Leon Panetta, oo sidoo kale soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka ee CIA-da xilligii maamulkii Barack Obama, ayaa yiri: “Ma ahan wax qarsoodi ah in Mareykanka iyo Iran ay ku jiraan xaalad adag oo fadhiid ah, taas oo ay aad u yar yihiin xulashooyinka lagu soo afjari karo dagaalkan.”

Wuxuu sheegay in Mareykanka uu ku sii socdo waddada “dagaal kale oo guuldarro ah” oo ka dhaca Bariga Dhexe, “sida dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan.” “Waxaan u maleynayaa inay suurtagal tahay in dagaalkani uu sii socdo lix bilood oo kale iyada oo aan xal loo helin.”

Mudane Panetta, oo ahaa xoghayaha gaashaandhigga intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2013, ayaa sidoo kale yiri: “Waxaa jira jahawareer aad u weyn oo ka jira Pentagon-ka iyo qaab-dhismeedka taliska, taas oo runtii abuuraysa dareen ah inaysan jirin cid maamulaysa xaaladda. Waxaan u maleynayaa in Iran ama cadawga kaleba ay eegayaan Mareykanka oo ay arkayaan daciifnimo ku jirta awooddeenna milateri ee aan dalkeenna ku difaaci karno.”

“Waxa ugu weyn ee aan ka walwalsanahay hadda waa inaan ku noolnahay adduun aad u khatar badan, oo ay jiraan khataro ka imaanaya Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo argagixisada, iyo sidoo kale Iran. Laakiin waxa ugu badan ee i walwal gelinaya ayaa ah inaan u dirayno farriin muujinaysa daciifnimo cadawgeenna ugu waaweyn,” ayuu yiri.