Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta ku Dhigay Nin Dil kasoo Geysay D.D.Somalida

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Najax Xasan Muuse, oo ku eedaysan dilka Marxuum Cabdikariim Muuse Cismaan.

Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Cabdi Yuusuf ee degmada Darroor DDSI, iyadoo eedaysanuhu uu falka kadib u soo baxsaday dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadib hawlgal qorshaysan iyo dedaal ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL, waxa lagu guulaystay in eedaysanaha lagu qabto deegaanka Dabo-gorayaale ee Gobolka Daadmadheedh.