Israa’iil ayaa doonaysa inay weerar cusub ku qaaddo Iiraan, iyadoo rajaynaysa in haddii dagaalku ballaarto, Maraykanku ku biiro.
Warbixin ay maanta Al Jazeera ka soo xigatay wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegtay inuu khilaaf ka dhex jiro madaxa Mossad, Roman Gofman, iyo Taliyaha Ciidanka Israa’iil, Jen.Eyal Zamir, oo isku khilaafsan waqtiga weerarka.
Madaxa Mossad wuxuu doonayaa in Israa’iil aysan sugin Maraykanka, balse ay kaligeed weerarto Iiraan. Wuxuu ku andacoonayaa in Tehran si qarsoodi ah u horumarinayso hub kiimiko ah. Taliyaha militariga Israa’iil wuxuu doorbidayaa in la sugo go’aanka Trump, maadaama taageerada Maraykanku ay si weyn u xoojinayso awoodda Israa’iil.
Roman Gofman, madaxa Mossad ayaa ka mid ah dadka sida dhow ula shaqeeya Netanyahu, waxaana la sheegay inuu doonayo in weerarka la qaado ka hor dhammaadka December.
Waxay u muuqataa madaxa Mossad, inuu ku dadaalayo sidii Israa’iil dagaal loo galin lahaa, ka hor inta aan la dhisin dawlad cusub oo Israa’iil ah, taasoo meesha ka saaraysa Netanyahu.
