Maxkmad ku taalla dalka Pakistan ayaa xukun dil ah ku riday laba nin oo dalkaas u dhashay kuwaas oo kufsi kula kacay haweenay dalxiise ahayd oo dalkas ku sugnayd sannadkii 2020.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Cabiid Cali iyo Shadqaat Cali ayaa lagu helay in ay kufsadeen haweenaydan oo ku safraysay jidka gala magaalada Lahore taas oo uu ka shidaal beelay gaadhi ay wadatay isla markaana ay caawimaad waydiisatay raggan oo jidka marayey balse ay kula keceen kufsi iyo jidh dil.
Haweenaydan oo ubadkeedu la socdeen markii kufsiga loo geystay ayaa cadho badan ka dhalisay dalka Pakistan iyaga oo dadweynuhu ay dalbadeen in xukun dil ah lagu fuliyo raggii hawshan lagu helay sida uu baahiyey Wargeyska The Independent.
