Xasan Sheekh oo Hambalyeeyay Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Ku-xigeenka Koowaad Aadan Xasan Maxamed (Usaama), iyo Ku-xigeenka Saddexaad Shamso Maxamed Yarow, kuwaas oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada hoggaanka cusub ee Golaha Wakiilladu ay muhiim u tahay xoojinta hay’adaha dowladeed iyo sii ambaqaadidda geeddi-socodka dowladnimada ee Koonfur Galbeed. Wuxuu mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, ayna ka shaqeeyaan mideynta bulshada, ilaalinta sharciga iyo horumarinta adeegyada loo hayo shacabka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey hoggaanka cusub inay door muuqda ka qaataan xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda, kor u qaadista wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey hannaankii nabdoonaa ee ay doorashadu ku qabsoontay magaalada Baydhabo, isagoo ku ammaanay xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed sida ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah. Wuxuu tilmaamay in doorashadaasi ay muujinayso biseylka siyaasadeed iyo adkeysiga hay’adaha dowladeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana ay gacan ka geysan karto xasilloonida iyo horumarka dowlad goboleedka.