Israa’iil oo xasuuq iyo cunaqabatayn balaadhan ka wada Gaza

2 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Weerarro ay Israa’iil fulisay ayaa dilay ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah oo ku kala sugnaa Marinka Gaza, sida ay sheegeen dhakhaatiir iyo mas’uuliyiin caafimaad oo maxalli ah, inkastoo “xabbad-joojin” la isku raacay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in hal qof lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay meel u dhow tuulada dhexe ee al-Mughraq, halka laba kale lagu dilay rasaas iyo duqeyn ka dhacday agagaarka magaalada Gaza. Koonfurta Gaza, mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay toogteen haweeney 40 jir ah oo ku sugnayd Khan Younis.

Tani waxay timid kadib markii militariga Israa’iil ay sheegeen, iyaga oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin, in ciidamadoodu ay dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas gudaha Gaza tan iyo Jimcihii.

Weriyaha Al Jazeera ee Gaza City, Hind Khoudary, ayaa sheegtay in saddex Falastiiniyiin ah ay toogteen diyaarado yaryar oo aan duuliye lahayn (drone) oo nooca quadcopter ah meel u dhow isgoyska al-Kuwait iyo agagaarka waxa loo yaqaan Netzarim Corridor, oo ah aag kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

“Waxaa sidoo kale jira xadgudubyo iyo jebin joogto ah oo ka dhan ah dadka halkan jooga, duqeymo maalinle ah, diyaaradaha drone-ka oo si joogto ah hawada uga guuxaya, iyo calaamadaha jaallaha ah oo sii fidaya gudaha Marinka Gaza,” ayay tiri, iyadoo ula jeedda calaamadaha muujinaya aagga ay maamusho ciidanka Israa’iil.

Hadalladeeda ayaa yimid iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan ballaarinta waxa loo yaqaan “Khadka Jaallaha ah”, halkaas oo Israa’iil ay ku kala qaybisay dhulka Falastiiniyiinta qaybo kala duwan. Aag bari ah oo daboolaya qiyaastii 60 boqolkiiba deegaanka ayaa hoos yimaada xukunka militariga Israa’iil, halka Falastiiniyiinta, intooda badan barakacayaal ah,  lagu cidhiidhiyey meelaha haray ee galbeedka.

“Tani waxay ka dhigan tahay in dad badan la toogan doono. Qof kasta oo ka gudba calaamadahan jaallaha ah waa la tooganayaa lana dilayaa, taasoo xaddidaysa xorriyadda dhaq-dhaqaaqa.”

Cunto iyo daawooyin yaraaday

Khoudary ayaa sheegtay in yaraanta cuntada iyo daawooyinka ay weli aad u daran tahay, iyadoo ay jirto go’doominta ay Israa’iil saartay gargaarka soo galaya Marinka Gaza.

“Daawooyinka caadiga ah lama heli karo, sidaas darteed dadka qaba kansarka ama sonkorowga ayaa ku dhibtoonaya inay helaan daaweyn,” ayay tiri. “Markii xabbad-joojintu bilaabatay, waxaa la filayay 600 gaari oo gargaar ah maalintii, balse waxa soo gala waa qiyaastii 150 ilaa 190 gaari oo keliya. Dadka halkan jooga waxay sheegayaan inaysan haysan cunto.”

Ugu yaraan 800 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii ay dhaqan gashay “xabbad-joojinta”, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin. Israa’iil waxay sheegtay in dagaalyahanno Falastiiniyiin ah ay dileen afar askari oo ka tirsan ciidamadeeda muddadaas gudaheed.

Heemaal News Network.