Dawlada Shiinaha ayaa u hanjabtay midawga Yurub iyo Maraykanka waxayna dawlada Bejiin ugu horeyn kasoo Horjeesatay cunaqabataynta Maraykanku saaray Shirkadahiisa Hengli Petrochemicais oo iibisatay shidaal ka yimid Iram
Shiinaha ayaa sheegay in cunaqabatayntan ay tahay mid sharci daro ah waxuuna Maraykanka ugu baaqay inay deg-deg u joojiyo talaabooyinka lagu beegsanayo Maraakiibta.
Dhanka kale dawlada Shiinaha ayaa maanta ugu hanjabay Midowgow Yurub inuu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah, haddii ay dhaqangeliyaan sharciga mudnaanta siinaya wax soosaarka gudaha Yurub oo meesha ka saaraya soo dhoofsashada dibadda, ka dib markii Midowga Yurub uu sheegay inay hirgelinayaan nidaamka wax iibsiga waxyaabaha lagu sameeyay gudaha Yurub, taasoo meesha ka saaraysa in ka badan 300 bilyan oo sannad walba uu Shiinaha ka faa’iideyay suuqyada Yurub.
Wuxuu ku eedeyey Shiinaha inay Midowga Yurub baabi’inayaan siyaasadda suuqa xorta ah ee caalamka , taa oo ay ka dhalanayso inay dalalka Yurub meesha ka saaraan qandaraasyadii ay kula jireen Shiinaha, waxayna taa beddelkeeda Midowga Yurub u aqoonsanayaan warshadaha Turkiga inay yihiin wax soosaar Yurub ah, si loogu beddelo booska Shiinaha.

Screenshot

Screenshot
