Tuesday, September 1, 2026

Qatar Oo Gacan ka Siinaysa Somaliya, sidii Ardayda Dugsiyada Sare ka Baxa u Heli lahayeen Waxbarasho sare

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qatar ayaa gacan ka siinaysa Soomaaliya, sidii ardayda dugsiyada sare ka soo baxaya ay u heli lahayeen waxbarasho sare oo farsamada iyo xirfadaha ah, iyadoo labada dal ay si wadajir ah u maamulayaan, ka dib markii maanta heshiis is afgarad ah ay wada gaareen Jaamacadda Dooxa ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxaana heshiiskan lagu sheegay inuu saldhig u noqonayo dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University).

Wajiga Koowaad ee mashruucan ayaa diiradda saaraya takhasusyo ay ka mid yihiin tiknoolajiyada, cilmiga badaha, duulista, batroolka, injineernimada, tamarta iyo maaraynta caafimaadka, taasi oo gacan ka geysanaysa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Jaamacadda Dooxa (UDST), ayaa sida ay baahisay wakaaladda wararka Qatar ee QNA , waxay taageerri doonta manhajka lagu baranayo xirfadahan, halka ay sidoo kale gacanta ku haynayso, tayeynta macallimiinta, hubinta tayada waxbarashada iyo shahaadaynta, si heerka waxbarashada ay bixinayso Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University) loo gaarsiiyo mid la mid ah heerka waxbarasho ee UDST.

Screenshot