Sida uu qoray The Athletic, Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa shaaciyay in xiriirka kubadda cagta adduunka uu ka fiirsanayo in Koobka Adduunka ee 2030 laga dhigo 64 xul, taas oo ka dhigan in tartanka lagu kordhinayo 16 dal oo dheeraad ah. Arrintan ayaa la filayaa in laga doodo kaddib dhammaadka Koobka Adduunka ee 2026.
Koobka Adduunka ee 2030 ayaa horey loogu qorsheeyay inuu ka dhaco saddex qaaradood iyo lix dal, iyadoo Uruguay, Argentina iyo Paraguay ay martigelin doonaan kulamada furitaanka, halka inta kale ee tartanka lagu ciyaari doono Morocco, Portugal iyo Spain.
Ma kula tahay inuu Kubadii Ganacsi u fahmay Xiiranaha FIFA.
