Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar iyo dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti oo khad telefoon kuwada hadlay ayaa ka arinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka geeska Afrika.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Mehr, labada wasiir waxay kawada hadleen dhibaatooyinka ammni iyo siyaasadeed ee gobolka iyo sidii loo adkeyn lahaa xasiloonida geeska Afrika iyo badda-cas.
Intii Wadahadalku socday Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar wuxuu markale ku celiyay in mawqifka Masar uu yahay in la taageero dowladaha rasmiga ah ee gobolka ka jira, iyo in la ilaaliyo midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar wuxuu sheegay in Masar ay marnaba aqbalayn in lagu xadgudubo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si adag uga soo horjeedo talaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna xusay in Qaahira ay talaabada noocaas ah u arkeyso iney tahay mid halis gelineysa xasiloonida geeska Afrika iyo ammniga badda-cas
