Iiraan ayaa diiday dalab lacageed oo uga timid Madaxweynaha Mareykanka si ay u joojiso weerarka aargudashada ah ee ay ku qaadayso ISRL.
Iiran ayaa sidoo kale xidhay hawadeeda caawa, waxayna wararku sheegayaan iney isku diyaarineyso iney weerar milatari ku qaado ISRL.
Iiraan waxay sheegtay in Trump uu usoo jeediyay iney lacag qaataan isla markaana aysan ka falcelin weerarki ay ISRL ku qaaday Bayruud, balse waxay xuseen iney diideen oo sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabayaan weerarkaas.
Sida uu ku waramay Channel 14, Iiraan waxay Mareykanka u sheegtay in aysan marnaba iibsaneyn xulafadeeda, iyadoo caddaynaysa in aysan lacag ku baddalaneyn weerarka ay saaka ISRL ku qaaday Xsbula*ah oo ah xulafadeeda ugu muhiimsan.

