13
Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka Israa’iil, Eitan Ben Eliyahu ayaa ka digay suurtagalnimada in Turkiga uu helo diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Wuxuu yiri:”Waa run in F-35 ay tahay diyaarad dagaal oo casri ah, laakiin looma baahna in arrinta la buunbuuniyo.”
Wuxuu intaas ku daray:”Ma aha diyaaradda ugu awoodda badan dhinaca dhaq-dhaqaaqa iyo leexashada hawada.”
Sidoo kale wuxuu sheegay:”Diyaaradda F-16 ayaa kaga fiican F-35 dhinaca dhaq-dhaqaaqa hawada, halka F-35-na aysan qaadi karin tiro la mid ah bambooyinka ay qaadi karto F-15.”
