Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha Ciraaq Ee ay Taageerto Iiran Oo Wadajir u Weeraray Sacuudiga

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha Ciraaq ee ay taageerto Iiraan ayaa si wadajir ah markii u horreysay maanta u weerarray xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Sacuudiga.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, Jeneraal Turki Al-Maliki ayaa sida ay Al Jazeera baahisay, wuxuu yiri;

“Sacuudigu wuxuu xaq sharci ah u leeyahay inuu is difaaco, isla markaana uu sii haysto xaqa uu u leeyahay inuu ka jawaabo waqtiga iyo goobta ku habboon.”