Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa warbaahinta horteeda ku difaacay madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac , ka dib kulan dooceed uu kula qaatay Ankara, halkaa oo shir madaxeedka NATO uu ka socdo.
Trump, wuxuu yiri; “Qof walba wuu ixtiraamaa Sharac. Wuxuu mideeyay Suuriya…Waa qof adag, waa hoggaamiye weyn, qof walbana wuu ixtiraamaa, aniguna waan ixtiraamaa. Waxaan ku faraxsanahay inuu nala joogo.”
Trump wuxuu sidoo kale sheegay:”Wuxuu qabtay shaqo aad u wanaagsan isagoo madaxweyne ah, wuxuuna dalka mideeyay muddo hal sano iyo bar gudahood.”
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri:”Waxaan ka qaadnay Suuriya cunaqabateyntii, waxaana u maleynayaa inaan sidoo kale ka saari doono liiska dalalka taageera argagixisada.”
Wuxuu ugu dambeyn sheegay:”Waxaan rajeynayaa in Suuriya ay naga caawin doonto arrinta Xisbullah.”
