Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal ayaa baahiyay Taliyaha Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM), Brad Cooper, inuu maanta Trump warbixin ka siiyey xulashooyinka milatari ee ka dhanka ah Iiraan.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dagaalka Maraykanka, Pete Hegseth, iyo Madaxa Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka, Jen.Dan Caine.
Warbixintu, waxaa kaloo ay daahqaaday inuu Mareykanku ku wargeliyay dalalka Khaliijka inay isu diyaariyaan hawlgal milatari oo muddo gaaban soconaya, balse xooggan, kaas oo ka dhan ah Iiraan, ka dib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.
Qorshayaasha uu diyaariyey Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa laga yaabaa inay beegsadaan kaabayaasha rayidka ee Iiraan, iyagoo ujeeddadu tahay in Iiraan la curyaamiyo.
Senatarka Maraykanka Chris Murphy ayaa ka hadlay qorshaha dagaalka, wuxuuna yiri:
“Qaar naga mid ah ayaa lagu wargeliyey qorshaha dagaalka. Ma shaacin karo wax faahfaahin ah, laakiin waxaan dhihi karaa qorshuhu waa waalli.”
