Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Ururka Wakaaladaha Wararka ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta bulshada nugul iyo arrimaha bani’aadannimada.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudiga, ayaa uga mahadceliyay Ururka Iskaashiga Islaamka taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa xusay in heshiiskan uu door muhiim ah ka qaadan doono kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka nugul, qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo sidoo kale xoojinta dadaallada bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Heshiiska ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa doorka warbaahinta ee gudbinta xogta iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo la horumarinayo iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Ururka Wakaaladaha Wararka ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo la kordhinayo dadaallada lagu taageerayo dadka ay saameeyeen barakaca iyo xaaladaha


