Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Pakistan, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Pakistan, Field Marshal Syed Asim Munir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga, dhismaha awoodaha ciidamada, iyo xaaladda amniga gobolka. Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada ay u hayso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, halka Field Marshal Munir uu xaqiijiyay in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada difaaca iyo tababarka ciidamada.
Field Marshal Syed Asim Munir, waa ninka ugu saraysa dalka iyo ninka sida wayn ixtiraamka ugu helay wada hadalkii Maraykanka iyo Iran.
