Holland Oo Mamnuucday soo dejinta Badeecooyinka laga keeno Degsiimooyinka ay ISRL Xooga ku Haysato Ee F-lastiin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Holland ayaa mamnuucday soo dejinta badeecooyinka laga keeno degsiimooyinka ay ISRL sida sharci darada ah uga dhisto dhulka ay haysato ee F-lastiin oo ay ku jiraan daanta galbeed iyo buuraha golan ee Suuriya.

Gollaha Wasiirada Holland ayaa ansixiyay qaraarkan cunaqabateynta ah ee ka dhanka ah ISRL, waxayan Holland sheegtay iney sharci daro yihiin degsiimooyinka ay ISRL ka dhistay dhulka ay haysato, sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Ra’iisal Wasaaraha Holland ayaana sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in cadaadis lagu saaro Ra’iisal Wasaaraha ISRL ee Natanyahu, wuxuuna yidhi “Holland waday sii wada iney ka hor timaado jebinta sharciga caalamiga ah, si loo kordhiyo cadaadiska la saarayo maamulka Natanyahu, gollaha Wasiirada ee Holland waxay ansixiyeen cunaqabateyntan.”