Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka Oo ku Dhawaaqday inay Iska-casishay Xilkaasi

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka Tulsi Gabbard ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay xilkii iska casishay waxayna Trump u gudbisey warqada is casilaadeeda, iyadoo sabab uga dhigtay xaalad caafimaad oo halis ah oo ku dhacday seygeeda.

Gabbard ayaa warqaddeeda iscasilaadda ku sheegtay in seygeeda Abraham Williams laga helay nooc aad u dhif ah oo kansarka lafaha ah, taasoo ku qasabtay inay ka tagto shaqada dowladda si ay ula garab istaagto muddada daaweynta.

“Waa inaan ka baxaa adeegga dadweynaha si aan ula joogo oo aan si buuxda u taageero dagaalkan adag,” ayay tiri.

Iscasilaaddeeda ayaa dhaqan geli doonta 30-ka Juun, waxaana si ku meel gaar ah xilka u qaban doona ku xigeenka sirdoonka qaranka Aaron Lukas.

Ka bixitaankeeda ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayeen khilaafaad gudaha maamulka ah, gaar ahaan murano kala dhexeeyay Central Intelligence Agency iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay mowqifkeedii kasoo horjeeday dagaalka Iran.

Gabbard, oo hore uga tirsanaan jirtay xisbiga Dimuqraadiga, ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay dhaleeceyn kaga imaanaysay qaar ka mid ah dadka ugu dhow Trump, kadib markii ay si cad uga digtay dagaal toos ah oo lala galo Iran