Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo ergeyga Aqalka Cad Steve Witkoff ayaa magaalada Miami kula kulmay raysal wasaaraha Qatar iyo dhexdhexaadiyaha wada-hadallada Iran, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, si loo dardargeliyo heshiis lagu soo afjarayo xiisadda Iran.
Sida uu qoray Axios, kulanka ayaa diiradda lagu saaray heshiis hordhac ah oo u gogol xaari kara wada hadallo rasmi ah oo dheeraad ah oo u dhexeeya Washington iyo Tehran. Qatar ayaa la sheegay inay door weyn oo qarsoodi ah ku leedahay dadaallada diblomaasiyadeed, inkastoo Pakistan si rasmi ah loogu aqoonsan yahay dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee wada-hadallada.
