Thursday, October 8, 2026

Ruushka oo Dhoolatus ku Tijaabinaya Gantaallada Yars ee Qaaradaha isaga kala Gudba

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Gantaallada Yars ICBM ee Ruushka ayaa ka qeyb qaadanaya dhoolatus istiraatiiji ah, iyadoo cutubyada lagu tababarayo kala daadinta iyo beddelka goobaha ridista gantaallada.

Yars waa gantaal ballistic ah oo qaaradaha isaga kala gudba, waxaana dhoolatuskan lagu xoojinayaa diyaar-garowga cutubyada gantaallada.

Dhinaca kale Putin ayaa dib ugu soo celiyay Jeneraal Sergei Surovikin (oo loo yaqaan “Armageddon”) hoggaaminta hawlgallada milateri ee gaarka ah, wuxuuna faray inuu magaalada Kyiv u kala qaybiyo laba qaybood.

Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahintu, Surovikin ayaa loo xilsaaray inuu burburiyo dhammaan buundooyinka ku yaalla Kyiv si loo curyaamiyo caasimadda, magaaladana loogu kala qaybiyo labada dhinac ee webiga (dhinaca midig iyo dhinaca bidix).