Taliyaha Ciidanka Pakistan Iyo Wafti ka socda Qatar Oo Gaaray Tehraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, wafdi ka socda Qatar ayaa gaaray Iran iyagoo la shaqeynaya Mareykanka.

Sida wararku sheegayaan, ujeedada safarka wafdigan ayaa ah in la caawiyo dadaallada lagu gaari karo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka lagula jiro Iran iyo in la xalliyo khilaafaadka weli taagan.

Qatar ayaa hore u ciyaartay doorka dhexdhexaadinta ee colaaddii Gaza iyo xiisado kale oo caalami ah, balse waxay ka fogaatay dhexdhexaadin tan iyo bilowgii dagaalka cusub ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran.

Intii lagu jiray xiisaddaas, Qatar ayaa sidoo kale la sheegtay in ay bartilmaameed u noqotay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay qaaday Iran.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Dalka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayaa maanta booqday magaalada Tehran.

Taliye Asim Munir ayaa la yeelan doono mas’uuliyiinta Iran wadahadallo ku saabsan “wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo danaha kale ee wadajirka ah.”

Taliyaha ciidanka Pakistan ayaa horey 40 maalmood ka hor u booqday Tehran, halkaas oo uu kula kulmay Maxamed Bagher Ghalibaf iyo xubno ka tirsan kooxaha wadaxaajoodka Iran iyo Maraykanka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa sidoo kale ku sugnaa Tehran markii labaad toddobaadkan, isagoo wadahadallo la leh mas’uuliyiinta Iran.

Marco Rubio ayaa sheegay in Washington ay sugayso natiijada wadahadalladan iyo waxa ka soo baxa.