Wadahadalkii u socday Dawlada & Mucaaradka Muqdisho Oo Burburay

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset


Wada-hadalladii maalmahan ka socday xerada Xalane ee u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo gebi ahaanba burburay, kadib markii labada dhinac ay isku mari waayeen qodobo la xiriira maamulka marxaladda kala guurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo si dhow ula socday kulamada, kulan kale oo galabta ka dhacay Xalane ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo labada dhinac ay si cad isugu muujiyeen kala aragti duwanaansho xooggan oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

Wararka laga helayo gudaha wada-hadallada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay muujiyay dabacsanaan siyaasadeed iyo inuu aqbalayo in laga wada hadlo hanaanka maareynta marxaladda kala guurka ah, uu maanta markale dib ugu laabtay mowqifkiisii hore.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulanka maanta kusoo galay adkeysi siyaasadeed oo la xiriira doodihii hore ee dowladda Federaalka, taas oo niyad jab ku noqotay xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynehii 7-aad ee Soomaaliya oo matalayay Golaha Mustaqbalka ayaa si adag uga falceliyay isbeddelka mowqifka dowladda. Waxay sheegeen in aysan saddex maalmood u fadhiyin hal dood oo meel ku taagan, isla markaana aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay qodobadii muhiimka ahaa ee laga sugayay dowladda Federaalka.

Madaxda mucaaradka ayaa sidoo kale la sheegay inay wakiillada beesha caalamka u sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan diyaar u ahayn in la helo hannaan lagu maareeyo marxaladda kala guurka ilaa laga gaarayo heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka. Hadalladan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in wadahadalladii lagu doonayay isu soo dhowaanshaha siyaasadeed ay burbureen.

Wakiillada beesha caalamka ee qeybta ka ahaa dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa la sheegay inay dadaal badan geliyeen sidii labada dhinac loogu qancin lahaa tanaasul siyaasadeed. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in beesha caalamka hadda ka fiirsaneyso inay soo saarto qoraallo ama war-murtiyeedyo si toos ah u taabanaya madaxda Soomaalida ee lagu eedeeyay inay diideen tanaasulka iyo wada shaqeynta.

Dhanka kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa caawa yeelanaya kulan gaar ah oo ay uga tashanayaan tallaabooyinka xiga. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay kasoo saari doonaan war wadajir ah oo saxaafadda loo qorsheeyay, waxaana la filayaa in xubno muhiim ah ay hadallo adag ka jeediyaan xaaladda siyaasadeed iyo fashilka shirarka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu caawa jeediyo khudbad uu uga hadlayo natiijada shirarka fashilmay. Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya inuu eedda dusha ka saari doono mucaaradka, isagoo ku andacoonaya inay iyagu diideen heshiis iyo tanaasul.

Dhanka mucaaradka, waxaa caawa lagu wadaa inay munaasabad ku qabtaan Jazeera Palace Hotel, taas oo ku beegan maalinta dhalinyarada, waxaana la filayaa in khudbadaha halkaasi laga jeedin doono si weyn loogu weeraro dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ku eedeyn doona inuu isagu fashiliyey wada-hadalladii socday.

Fashilka wada-hadalladan ayaa dib usoo nooleynaya xiisaddii siyaasadeed ee u dhexeysay dowladda iyo mucaaradka, iyadoo Golaha Mustaqbalka ay durba sheegayaan inay dib u bilaabi doonaan mudaharaadyadii iyo dhaqdhaqaaqyadii cadaadiska siyaasadeed. Tani waxay sare u qaadaysaa cabsida laga qabo qalalaase siyaasadeed iyo amni oo markale ka curtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ku wajahan mowqifka beesha caalamka, oo la filayo inay saacadaha soo socda ka hadlaan fashilka shirkan iyo tallaabooyinka xiga ee ay u arkaan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.