Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu cambaaraynayaa aadna uga xunyahay falka weerarka ah ee Maanta Maleeshiyaad hubaysan oo afka soo duubtay ay ku qaadeen Bar Koontorool ah oo Boolisku ku leeyahay degmada Hawlwadaag iyaga oo waliba isticmaalaya hub culus.
Maleeshiyaadkaan ayaa sidoo kale weeraray laanta dhexe ee ilaalinta Canshuuraha oo ah goob ka Caagan hubka ayagoo beegsadey Dhamaan Agabka Boliiska ee Goobtaas yaalay waxay u adeegsadeen hubka Culus .
Sida ka muuqata sawiradan hoose , Maleeshiyaadku waxa ay beegsadeen Xarumaha Boliiska waxayna gaarsiiyeen qasaaro dhamaan hantidii bulshada Soomaaliyeed loogu adeegaayey Taas oo marag u ah in ujeedada maleeshiyada tahay ladagaalanka Nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed ,
Waxay sidoo kale waxyeelo gaarsiiyeen Guryo iyo goobo ganacsi oo Dad Shacab ah ay leeyihiin iyaga oo halis galiyay Nafta iyo hantida Muwaadiniinta.
Ciidamada ayaa si xirfad iyo masuuliyad ku dheehantahay uga jawaabay falkaas.
Hoggaanka Baarista Dambiyada CID ayaa bilaabay baarista faldambiyeedka waxaana sharciga la horgeyndoonaa cidkasta oo ku lug yeelata.
Waxaan markale cadaynaynaa in Booliska Soomaaliyeed ay talaabo sharci ah ka qaadayaan cidkasta oo ku kacda falalkaan iyo kuwa la midka ah











