Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya oo ay hoggaaminaysay Sripriya Ranganathan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal, gaar ahaan amniga badda, la dagaallanka argagixisada iyo tayeynta awoodda hay’adaha amniga. Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee gobolka.
Dhinaca kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Hindiya oo ay hoggaaminaysay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan (CPV & OIA) Marwo Sripriya Ranganathan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, iyagoo sidoo kale wadahadalka diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada danta guud.
Wadahadalladu ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.



