Israa’iil ayaa diyaarinaysa dacwad ka dhan ah Erdogan oo loo gudbin karo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ,waxayna ku eedaynaysa arrimo la xiriira Kurdiyiinta iyo taageerada Xamaas, halka uu Netanyahu amar ku bixiyay in la sameeyo koox sharci-yaqaano ah oo diyaarinaya gal dacwadeed ka dhan ah Erdogan.
Sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil ee i24NEWS, waxaa suuragal ah in Israa’iil ay adeegsan doonto dhinac ama dal kale oo wakiil uga noqda gudbinta dacwadaan.
ICC, waxay horey waaran xarig ah u jartay Netanyahu oo dhankiisa ku celceliya inuusan aqoonsanayn go’aanka maxkamadda uu doonayo inuu dacwad ka dhan ah Erdogan u gudbiyo, balse ujeeddada baahinta xogtan waxay u muuqataa mid lagu doonayo in lagu cadaadiyo Erdogan oo joogteeyay hadallada ka dhanka ah Netanyahu.
