Taliyihii hore ee ciidamada Israa’iil iyo siyaasi mucaarad ah, Benny Gantz, ayaa si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo ku baaqay inuu xilka ka dago.
Wareysi uu bixiyay, Gantz ayaa muujiyay caro iyo walaac ku saabsan xaaladda Israail, isagoo sheegay in Israa’iil ay ku jirto marxalad halis ah isla markaana Netanyahu uu mas’uul ka yahay dhibaatooyinka hadda taagan.
“Bibi waa inuu gurigiisa aadaa. Ha i kala goyn. Isaga ayaa mas’uul ka ah wixii halkan ka dhacay,” ayuu yiri Gantz, isagoo adeegsanaya naanaysta Netanyahu ee “Bibi”.
Gantz ayaa sidoo kale ka digay in ka saarista Netanyahu aysan kaligeed ku filnayn xallinta dhibaatooyinka maamulkaas, isagoo sheegay in Israa’iil ay u baahan tahay dowlad cusub oo awood u leh inay dalka ka badbaadiso waxa uu ku tilmaamay xaalad qarka u saaran burbur.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Israa’iil, iyadoo cadaadis xooggan uu saaran yahay xukuumadda Netanyahu.
