Thursday, April 16, 2026

Wadahadalo Taariikhi ah Oo Israel iyo Lubnaan Uga Furmay Maanta Magalada Washington

by Heemaaln
1 minutes read

Wada-hadalo taariikhi ah ayaa maanta Israel iyo Lubnaan markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah ku dhexmaray magaalada Washington, iyadoo dad badani rajeynayaan in tani ay gogol xaarto xabbad-joojin dagaalka ka socda halkaas, halkaas oo Israel ay kula dagaallamayso kooxda Hezbollah ee ay taageerto Iran.

Kulankan ayaa labada dhinaca waxaa ku matalayay safiirrada u fadhiya Mareykanka ee Israel iyo Lubnaan, iyadoo kulankan lagu lafa-guray sidii meesha looga saari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada dal, kaasoo salka ku haya kooxda Hezbollah ee sida wayn u hubaysan iyo in hubka dhigis lagu sameeyo kooxdaasi.

Lubnaaniyiinta ayaa aaminsan in dalabka Maraykanka iyo Israel ee hubka dhigista kooxda aysan awoodin dowladda Beirut inay fuliso iyada oo aan oggolaansho ka helin Hezbollah, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in isticmaalka xoog uu keeni karo rabshado.

Dowladdu si toos ah uguma jirto dagaalka, mana laha saameyn weyn oo ay ku yeelato Hezbollah, taas oo ay mucaaradku ku eedeeyaan inay difaacdo danaha Iran isla markaana ay Lubnaan ku jiiddo dagaallo aan la rabin.

Dagaalkan ayaa dilay in ka badan 2,000 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, iyadoo aan Israel kala soocin dagaalyahannada iyo rayidka,taasoo keentay bur-burka iyo barakicinta shan meelood meel dadka dalkaasi, waxaana suuragal ah in dad badan aysan waligood dib ugu laaban karin guryahooda.

Ciidamada Israel ee soo galay gudaha dalka ayaa weli wada hawlgallada dhulka, si ay u abuuraan waxa saraakiishu ku tilmaameen “aag amni” oo ku yaalla xadka, taas oo dhalisay cabsi ah in qaybo ka mid ah dalka ay sii ahaan karaan kuwo la haysto xitaa marka dagaalku dhammaado.

Taageerayaashu waxay sheegaan in Hezbollah ay tahay difaaca kaliya ee ay ka haystaan Israel, kooxda ayaana hore u sheegtay inaysan u hoggaansami doonin wax go’aan ah oo arrintan la xiriira.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.